sirta

Daraasad dhanka cilmiga bulshada ah oo Maraykanku sameeyeen ayaa muujisay in haweenku hayn karaan sirta wax ka yar 38 saacadood, badankooduna ay sirta u gudbiyaan dad aanay khusayn oo aan danaynayn.

Drs Margaret Powell oo ku takhasustay cilmiga bulshada kana hawlgasha jaamacadda Michigan ee Dalka Maraykanka ayaa qortay warbixin dheer oo ay ugu magac dartay ‘Haweenaydu waa wakaaladii warareed ee ugu qadiimsanayd caalamka’ ayaa waxay ku sheegtay in haweenaydu sirta xafidi karto muddo 38 saacadood ah ugu badnaan, iyadoo daraasadda oo laga sameeyey ilaa shan boqol oo haween ah oo u dhashay wadanka Masar da’dooduna u dhexayso 18 ilaa 60 sanadood ay haweenku ictiraafeen in aanay hayn karin sir ay ogaadeen si kastoo ay sirtaasi u tahay mid shaqsiyadeed ama mid khatari ku lammaan tahay.

Daraasaddu waxay caddaysay in haweenku sirta u gudbiyaan cid aan danaynayn oo aan wax xidhiidh ah la lahayn mowduuca ay sirtu ku saabsan tahay , iyagoo sadex dalooloow labo dalool oo haweenkaasi ka mid ahi ay dareemaan inay dembi galaan ka dib marka ay sirta bixiyaan.


Testimonials
SIGN INTO YOUR ACCOUNT CREATE NEW ACCOUNT

Your privacy is important to us and we will never rent or sell your information.

×
CREATE ACCOUNT ALREADY HAVE AN ACCOUNT?

 
×
FORGOT YOUR DETAILS?
×

Go up