QW
  1. Guurku waa tarjumaada tixeed ee Jacaylka 2. Haweenku waa halxidhaalle furihiisu yahay Jacayl
  2. Haweenku waa kuwa isku geddiya sida tif dabeyli qaadayso.
  3. Haweenayda wanaagsani waa Sanduuq luul ah oo maalinba quruxdiisa la soo baxaya.
  4. Haweenta Caqliga leh waxa ay sonkor ka dhigtaa odhaah kasta oo ninkeeda ka soo yeedha, waxa ayna tuurtaa wixii cusbo ah.
  5. Ninkii haween ku guursada qurux waa sidii nin iibsaday guri la dhalaaliyay .
  6. Wax haka sheegin dhadhanka xaaskaaga, waayo markii hore adigaa ku doortey heybadaas
  7. Hala doodin nacas, waayo waxa uu marin habaabinayaa dadkii idin dhexdhexaadin lahaa.
  8. Haweenaydu waa ay qososhaa marka ay awooddo, waxa ay ooydaa marka ay doonto.
  9. Saddex nooc oo ka mid ah Bani’aadamka awood uma laha inay fahmaan haweenka; waxaa ka mid ah carruurta , Dhalinyarada iyo duqowda.
  10. Ninka waxa uu haweenayda u sheegaa waxa uu doono, balse haweeneydu waxa ay ninka ku sameysaa waxa ay doonto .
  11. Si aad u kasbato xaaskaaga waxaad dhageysataa hadalkeeda.
  12. Gabadhu waxa ay ugu sheekeysaa dhalinta qalbigeeda, kadibna carabkeeda.
  13. Xikmaddu waxa ay ku jirtaa inuu raaligelin ka bixiyo hadii ninka uu qaldan yahay , haweentuna waa iney raali gelisaa seygeeda xitaa haddii ay saxan tahay .
  14. Haweenayda foosha xun waxa ay wajigeeda ku eegtaa Muraayadda, haweenayda qurxoon waxa ay wajigeeda ka dhex aragtaa wajiyada kale . 16. Qof wal oo isla weyn waxaa ka dambeeya haween. 17. Had iyo jeer la tasho seygaada ka hor inta aadan go’aan qaadan.
  15. Gabadha maanta haddii ay is qurxiso waxbey fitneysay , hadii ay dhoolacadeyso layaab ayey dhigtay, haddii ay cunto kariso waa ay dhameystirtay .
  16. Haweenku waa sidii laydh ifaya, haddii ninka uu garto qaabka loo qabsado waddada ayey u ifisay , balse haddii uu gefo waxa ay gubtay labadiisa Gacmood .
  17. Haku faanin inaad ku wanaagsan tahay cunta karinta, taasi cadeyn u noqon meyso inaad ka tallaawday da’da 30-ka .
  18. Haweenayda iyo wargeysyadu waa kuwa siman waayo waxa ay labaduba baahiyaan war.
  19. Haweenku waa ay ilmeeyaan, waa ay tabar liitaan , balse awoodda ilmeynta hadii ay faraha ka baxdo waxa ay sababtaa inuu wadnaha istaago.
  20. Calaamadaha Jaceylka dhabta ah ee Ninku waa Xishood, haweenayduna waa dhiirranaan . 24. Waqtiga Shukaansiga wiilka waa uu hadlaa gabadhuna waa ay dhageysataa , xiliga guurka caruusaddu waa ay hadashaa, caruuskuna waa uu dhageystaa, guurka ka dib waa ay wadahadlaan labaduba deriskuna waa uu dhageystaa .
  21. Raggu waxa ay awoodaan inay ka qosliyaan dumarka sida hadba loo xakameeyo quruxda lacagta .

26: Gurigu waxa uu dhisaa guryo sare, waxaase burburiya kuwa ku jira gudihiisa .

  1. Haddii laba dumar ah ay kulmaan, midkasta waxa ay iskudaydaa inay muujiso jooggeeda iyo da’yaraanteeda .
  2. Markuu Jaceylku guriga joogo, qalbigu waxa uu noqdaa mid diirran .
  3. Haweenku waa sida midabka gidaarka oo kale oo sanad kasta isbeddel lagu sameeyo.

Testimonials
SIGN INTO YOUR ACCOUNT CREATE NEW ACCOUNT

Your privacy is important to us and we will never rent or sell your information.

×
CREATE ACCOUNT ALREADY HAVE AN ACCOUNT?

 
×
FORGOT YOUR DETAILS?
×

Go up